
Markii ugu horeysay, maamulka Aala-Sucuud ayaa qirtay inuu isagu ka dambeeyo dilka Wariye Jamaal Khaashqoji, kaas oo dhowr todobaad kahor lagu dhex dilay dhismaha qunsuliyadda maamulka Aala-Sucuud ku leeyahay magaalada Istanbuul.
Xeer Ilaaliyaha guud ee maamulka Aala-Sucuud ayaa shaaca ka qaaday in Jamaal Khaasqoji lagu dhex dilay dhismaha qunsuliyadda Aala-Sucuud ee magaalada Istanbuul, kadib markii ay isku buuqeen rag joogay qunsuliyadda, sida uu sheegay xeer ilaaliyaha Aala-Sucuud.
Xeer Ilaaliyaha wuxuu sheegay in 18 ruux ay ka dambeeyeen dilka wariye Jamaal, kuwaas oo uu sheegay in dhamaantooda ay ku socdaan baaritaanno xoogan, waxaana uu intaa ku daray in xilalkii laga qaaday afar masuul oo waaweyn.
Arintan ayaa ahyad mid aad loo wada sugayay, kadib markii la helayo cadeymo waaweyn oo muujinaya in Jamaal lagu dhex dilay qunsuliyadda Aala-Sucuud ee Istanbuul, waxaana arintan ay muujineysaa qar iska xoornimada Muxamed bin Salmaan.
Waxa xusid mudan in maalmo kadib markii la waayay Jamaal uu MUxamed bin Salmaan waraysi uu siiyay mid kamid ah wargeysyada Yurub uu ku sheegay in Jamaal uu ka baxay qunsuliyadda, isagoona beeniyay iney wax macluumaad ah ka hayaan xaaladda wariyaha.