HomeAll newsTobanaan ruux oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday Jaziiradda Al-Qaram oo uu...

Tobanaan ruux oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday Jaziiradda Al-Qaram oo uu Ruushku maamulo.

Jaziiradda AlQaram oo kamid ah dhulka uu Ruushku gumeysiga ku heysto ayaa waxaa ka dhacay qarax xoogan, kaas oo dhimasho iyo dhaawac dhaliyay.

Warbaahinta Ruushka ayaa shaaca ka qaaday in qaraxa oo ahaa mid xoogan uu ka dhacay iskuul ku yaala magaalada Kiirtish oo kamid ah magaalooyinka waaweyn ee jaziiradda Al-Qaram.

Ugu yaraan 19 ruux ayaa ku dhimatay qaraxan, tobanaan kalana way ku dhaawacmeen, waxaana dowladda Ruushka sheegtay in qaraxan uu yahay howlgal argagaxiso.

Ruushka ayaa Jaziiradda Al-Qaram xoog kula wareegay sanadkii 2014-ka, waxaana la wareegitaankaas uu dhaliyay muran badan oo caalami ah.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular