Kumanaan ruux oo muslimiin suuriyaan ah, kana soo barakacay koonfurta dalka Suuriya ayaa ku sugan kaamka weyn ee lagu magacaabo Ar-rukbaan, kuna yaala xuduud beenaadka ay wadaagaan wadamada Suuriya iyo Urdun.
Dhibaato xoogan oo aan lasoo koobi Karin ayaa ka jirta kaamkan, waxaana jirin wax gurmad ah oo lala gaaray dadkaas tan iyo markii ay halkaas degeen, wixii ka dambeeyay markii Nidaamka mujrimka Bashaar Al-asad uu la wareegay gebi ahaanba koonfurta Suuriya.
Malleeshiyaadka Nidaamka Nuseyriyada ayaa go’doon adag kusoo rogay kaamka, iyadoona dhanka xuduuda Urdun lasoo dhoobay ciidamo aad u badan, waxaana gebi ahaanba xiran xuduud beenaadka.
Gurmad hay’aad maxalli ah iyo kuwa laga leeyahay wadamada muslimiinta ay isku dayeen iney gaarsiiyan dadkaas ayaa waxaa is hortaagay Nidaamka Bashaar Al-asad, taasna waxay sii kordhisay dhibaatada ka jirta halkaas.
Maalintii shalay waxay dadku dhigeen banaanbax ay ku codsanayaan in gurmad lala soo gaaro, go’doonkana laga qaado.
Waxaa lasoo sheegayaa in caruurta qaar ee ku noolaa kaamka ay baahi iyo nafaqo dari u dhinteen, waxaana jira kuwa hadda ay xaaladoodu liidato.