
Ugu yaraan labo todobaad kadib, markii ugu horeysay waxaa dhismaha safaaradda maamulka Aala-Sucuud ee Istanbuul gudaha u galay dembi baariyaal katirsan dowladda Turkiga.
Maamulka Aala-Sucuud oo maalmihii ugu dambeeyay ka meer meerayay inuu u ogolaado xeer ilaalinta dowladda Turkiga iney baaritaanno ku sameyso qunsuliyadda magaalada Aala-Sucuud ee Istanbuul ayaa ugu dambeyn ogolaaday.
Dembi baariyaasha dowladda Turkiga oo wata qalab caalami ah ayaa la sheegay iney qol qol u baareen dhismaha qunsuliyadda, islamarkaana heleen cadeymo horleh oo muujinaya in wariye Jamaal Khaashqoji lagu dhex dilay qunsuliyadda.
Habeenkii xalay ayay dembi baariyaashu oo tiradoodu gaareyso 20 ruux gudaha u galeen qunsuliyadda, waxaana la sheegayaa iney su’aalo waydiin doonaan shaqaalaha qunsuliyadda, iyo masuulka qunsuliyadda maamulka Aala-Sucuud oo horey u dafiray in Jamaal lagu dhex dilay qunsuliyadiisa.
Arintan waxay timid, kadib markii khadka teleefanka ay ku wada hadleen madaxweynaha Turkiga Ordogan iyo boqor Salmaan, iyagoona isla gaaray in dembi baariyaal wadajir ah ay baaritaanka sameeyaan.
Saddex maalin kadib ayaa lagu wadaa in dowladda Turkiga soo saarto war rasmi ah oo ku aadan dilka wariye Jamaal Khaashqoji, waxaana natiijada soo baxda ay saameyn ku yeelan doontaa xiriirka labada dowladood.
Warbaahinta Maraykanka oo soo xiganaya mas’uuliyiin sar sare oo katirsan Aala-Sucuud ayaa sheegaya in maamulka Aala-Sucuud uu doonayo inuu soo saaro bayaan uu ku qiranayo inuu ka dambeeyay dilka Jamaal, balse uusan amrin dhaxal sugaha koowaad ee maamulkaas Muxamed bin Salmaan.
Aala-Sucuud ayaa wajahaya cadaadis xoogan oo uga imaanaya dowladaha reer-galbeedka, kuwaas oo dhaliilsan tallaabada qar iska xoornimada ah ee uu ku kacayo maamulkaas, waxaana shirkado badan oo caalami ah ay qaadaceen shir maalgashi oo lagu waday dhawaan inuu ka furmo magaalada Riyaad ee caasimadda maamulka Aala-Sucuud.