
Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa dagaal ku qaaday deegaanka Daynuunaay, duleedka magaalada Baydhabo, halkaas oo ay ku sugnaayeen ciidamo katirsan maamulka Koonfur-galbeed.
Ciidamada Koonfur-galbeed ayaa ka firxaday deegaanka, iyagoona gaaray magaalada Baydhabo, waxaana Daynuunaay hadda si buuxda u maamulaya ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Saraakiisha hogaamineysa ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa fagaarayaasha kula hadlaya dadka deegaanka.