Ciidamo aad u hubeysan oo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa habeennimadii xalay waxay weerar culus ku qaadeen magaalada Marko ee xarunta gobolka Shabeellaha-hoose, xilli uu magaalada ku sugnaa madaxweynaha dowladda Farmaajo.
Weerarka oo ahaa mid culus, la iskuna adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, islamarkaana socday in muda ah waxaa lagu qaaday ciidamada Shisheeyaha ee ilaalinayay Farmaajo, kuwaas oo khasaare adag la gaarsiiyay.
Ilo lagu kalsoonaan karo waxay noo sheegeen inuu halis galay madaxweynaha dowladda Farmaajo, kaas oo uu soo wajahay qal-qal xoogan, kadib markii la fara saaray ciidamada ilaalada u ahaa ee Shisheeyaha.
Madaxweynaha ayaa xalay ku hooyaday gaari Taangi ah, cabsi uu ka qabo iney dilaan ama ay gacanta ku dhigaan Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Marka laga hadlo khasaaraha gaaray ciidamada Shisheeyaha waxaa la xaqiijiyay dhimashad 15 askari oo Yugaandhees ah, kuwaas oo qaar kamid ah meydadkooda ay gacanta ku dhigeen ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Waxaa jira hub ay gacanta ku dhigeen ciidamada Mujaahidiinta, waxaana naloo xaqiijiyay iney qabsadeen labo qori oo kala BKM iyo RBG.
Gudoomiyaha magaalada Marko Maxamed Yiriisow oo la hadlay Idaacadda Al-Furqaan ayaa noo xaqiijiyay in dagaalkii xalay ka dhacay Marko uu ahaa mid aad u xoogan, isagoona ka gaabsaday inuu ka hadlo khasaaraha gaaray Shisheeyaha.
Wuxuu sheegay gudoomiyaha in dhanka ciidamada dowladda dagaalkii xalay uga dhinteen 3 askari.
Madaxweynaha dowladda federaalka Farmaajo ayaa booqasho aan la shaacin oo dhuumaaleysi ah wuxuu shalay ku yimid magaalada Marko, waxaana sawirro baraha bulshada lagu baahiyay lagu arkayay isagoo saaran gaari Taw ah, halkaasna ka daawanaya magaalada.