HomeAll newsDiyaaradaha Maraykanka Oo duqeyn ku dilay ciidamo katirsan Jubbaland.

Diyaaradaha Maraykanka Oo duqeyn ku dilay ciidamo katirsan Jubbaland.

Diyaaradaha dowladda Maraykanka ayaa duqeyn ku garaacay ciidamo katirsan maamulka Jubbaland ee uu hogaamiyo Axmed Madoobe.

Ciidamada la duqeeyay ayaa ku sugnaa deegaanka Baar-sanguuni, waxaana dhowr gantaal ku dhuftay diyaaradaha Maraykanka oo inta badan aan ka bixin hawada gobollada Jubbooyinka.

Ugu yaraan 7 askari oo katirsan ciidamada maamulka Axmed Madoobe ayaa ku dhintay duqeynta diyaaradeed, waxaana suuragal ah in dhimashadu ay intaas kasii kororto.

Diyaaradaha Ameericaanka ayaa ciidanka Jubbaland ku qalday ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Dhinac kale, qarax ayaa lala eegtay ciidamo katirsan maamulka Jubbaland oo ku sugnaa deegaanka Baar-sanguuni.

Ugu yaraan 3 askari ayaa la xaqiijiyay iney ku dhinteen qaraxan oo ay fuliyeen ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Dhimashada ciidamada Axmed Madoobe ayaa maanta oo keliya ka dhigan 10 askari, todobo waxaa dilay diyaaradaha Maraykanka, halka saddexda kalana ay qarax ku dileen Mujaahidiinta Al-Shabaab.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular