HomeAll newsXog cusub Oo laga helayo Weeraradii magaalada Baydhabo.

Xog cusub Oo laga helayo Weeraradii magaalada Baydhabo.

Faahfaahin dheeri ah ayaa kasoo baxaysa weeraro shalay gelinkii dambe ka dhacay Magaalada Baydhabo kuwaas oo lagu beegsaday goobo ay ku sugnaayeen saraakiil iyo masuuliyiin ka tirsanaa DF iyo maamulka K/galbeed.

Hotel uu leeyahay mid kamid ah musharaxiinta u tartamaya xilka madaxweynaha K/galbeed ayaa weerarkii kowaad lagu beegsaday, waa ninka lagu magacaabo Maxamad Aadan Fargeeti.

Fargeetti oo kamid ah mas’uuliyiintii soo maray DF, marna soo ahaa wasiirka maaliyadda, kana qeyb qaatay tartankii u dambeeyay ee xilka gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa hotelkan la beegsaday si aad ah uga waday ol’olihiisa doorashada.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay weerarkeeda labaad ku beegsatay goob u dhow saldhigyaraha afar irdoodka Baydhabo. halkaas waxaa ku sugnaa masuuliyiin iyo xunbo ka tirsanaa maamulka Itoobiyaanka ku tiirsan ee magaalada Baydhabo.

In ka badan 20 ayaa la xaqiijiyay in ay goobta ku quur bexeen. halka dhaawucuna uu intaas ka badanyahay sida laga soo xigtay ilo lagu kalsoon yahay.

Muddo badan kadib dhacdooyinkan waxaa si aad ah wadooyinka looga dareemayay gaadiidka gurmadka deg-degga ah oo kala gurayay meydadka iyo dhaawacyada iyadoo Itoobiyaanku dad weynaha u diideen iney wadooyinka maraan si aaney u arag khasaaraha.

Haddaba waxaa inoo suura gashay inaan helno magacyo hordhac ah oo ah xubnihii ka tirsanaa maamulka k/galbeed ee halkaas dhimashada iyo dhaawaca ku noqday.

Dadka halkaas ku dhintay ayaa waxaa ka mid ahaa sarkaal ka tirsanaa milatariga, kaas oo magaciisa lagu soo koobay Tuurane, waxaa uu ku magacawnaa madaxa qaybta loojistikada ee guutada lixdanaad. Waxaa la dhintay tiro dhowr ah oo kamid ahaa ilaalidiisii.

Sidoo kale sarkaal magaciisa lagu soo koobaday Daa’uud, kana tirsanaa saraakiisha booliska ayaa kamid noqday dadka naftooda ku waayay weeraradaasi.

Sarkaal kale oo magaciisa lagu sheegay Maxamad Aadan, kana tirsanaa saraakiisha Bs-ta ama nabad sugidda ayaa kamid ahaa dadka halkaasi quur baxay.

Xogta ayaa sidoo kale sheegeysa in mid kamid ah odayaashii soo xulay golaha baarlamaanka, laguna magacaabi jiray Ugaas Jiis uu isaguna ku nafwaayay weeraradaasi.

Dhimashada iyo dhaawaca ka dhashay weeraradii shalay gelinkii dambe ka dhacay Baydhabo ayaa waxaa isbitaalka ku booqday masuuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur-galbeed.

Weerarada ka dhacay Magaalada Baydhabo ayaa kusoo aadaya xilli ay Magaaladu la ciir-ciirayso xubno aad u farabadan oo siyaasiyiin ah kuwaas oo xusul duub ugu jira sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen doorashada madaxtinimada ee kursiga Xabashidu wakiilka ka tahay.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular