Iyadoo ay sii kordhayaan tacadiyaadka ka dhanka ah muslimiinta ku jira gumeysiga Shuuciyada ee Turkistaanta bari ayaa waxaa marba marka ka dambeysa sii kordhaya tallaabooyinka gurracan ee ay ku kaceyso dowladda Shiinaha.
Warbixin cusub oo uu baahiyay wargeys kasoo baxa dalka Spain ayaa lagu sheegay in dowladda Shiinaha ay go’aan ku gaartay in gebi ahaanba la xiro maqaayadaha ay leeyihiin muslimiinta ee laga helo cuntada xalaasha ah, kana furan gobollada Turkistaanta bari, ee ay Shiinuhu ugu yeeraan gobolka Shinjiyang.
Wargeyska ayaa sheegaya in dowladda Shiinaha todobaadyadii lasoo dhaafay ay soo saartay awaamiir ad adag oo lagu mamnuucayo cuntooyinka diyaarsan ee xalaasha ah, waxaana ay marmarsiyo ka dhigatay la dagaalanka waxa loogu yeero xagjirnimada.
Mas’uuliyiinta xisbiga shuuciyada ee Shiinaha ayaa isniintii lasoo dhaafay soo saaray wareegto ay ku mamuucayaan cuntooyinka xalaasha ah, waxaana maamulka magaalada Aroomoki oo ah caasimadda Turkistaanta bari, kuna noolyihiin 12 milyan oo ruux oo muslim ah lagu amray iney ka hortagaan cuntada xalaasha ah.
Amarkan adag, islamarkaana kamid noqonaya tacadiyada aan tirada lahayn ee lagu hayo muslimiinta Turkistaanta bari ayaa lagu diidayaa noocyada kala duwan ee cuntooyinka, islamarkaana laga ilaaliyay dheecaannada doonfaarka iyo Eeyga, waxaana xitaa Muslimiinta loo diiday iney soo saartaan dawada ilkaha lagu cadaysto.
Go’aannadii ugu dambeeyay ee kasoo baxay dowladda Shiinaha, laguna ihaaneysanayo muslimiinta waxaa kamid aha in loo diiday ku hadalka luuqadda Ayghooriyiinta, islamarkaana lagu qasbay iney bartaan oo ay ku hadlaan luuqadda Mandren oo ah luuqada ay ku hadlaan Shiineeska shuuciyiinta ah.
Waxaa horey mamnuuc uga ahaa muslimiinta iney sii deystaan garka, qaadashada xijaabka sharciga ah, iyo astaan weliba oo muujineysa diinta islaamka, waxaana la yaab leh in rag muslimiin ah ay maanta iska xiiraan garka, halka gabdha muslimaad ahna aan lagu Karin xirashada xijaabka sharciga ah.
Dad badan oo muslimiin ah oo jeclaan lahaa iney madaahirtaas wanaagsan sameeyaan, kana muuqato ayaa loo diidanyahay, iskaba dhaafe lagu xiraa, laguna jirdilaa, waxaana Alle uga baryeynaa muslimiinta inuu dhibkaas ka dulqaado, kuwa kale ee khaladkaas ku kacayna uu u dhaafo, hanuunkana waafajiyo.