HomeAll newsBaarlamaanka Masar oo soo jeediyay in la xiro Dugsiyada Qur’aanka ee ku...

Baarlamaanka Masar oo soo jeediyay in la xiro Dugsiyada Qur’aanka ee ku yaala wadankaas.

Qaar kamid ah xillibaannada baarlamaanka dalka Masar ayaa soo jeediyay in la xiro dugsiyada lagu barto Qur’aanka kariimka ee ku yaala guud ahaan wadanka Masar.

Soo jeedintan oo ay aad uga yaabeen dadka muslimiinta ee ku dhaqan wadanka Masar ayaa waxaa xillibaanada soo jeediyay kamid ah xillibaan Maxmuud Badar.

Xillibaannada ayaa dugsiyada Quraanka lagu barto ku sheegay meel laga soo saaro waxay ugu yeereen xagjirnimada, iyagoona usoo jeediyay wasaaradaha howshoodu tahay arimahaas iney albaabada isugu laabaan dugsiyadaas.

Qoraalka ay soo saareen xillibaanadan katirsan baarlamaanka wadanka Masar waxay ku sheegeen in manaahijta laga dhigo dugsiyadaas ay mamnuucayaan arimo badan oo ay igu u arkaan xalaal, sida heesaha, isdhexgalka ragga iyo dumarka iyo arimo kale.

Arintan ayaa muujineysa dagaalka lagu soo qaaday diinta islaamka iyo dadka muslimiinta ee kunool wadanka Masar, waxayna muujineysaa wejiga dhabta ah ee maamulka afgembiga uu hogaamiyo Siisi.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular