Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa waxay sheegayaan in dayuurado dagaal oo loo maleynayo iney yihiin kuwa Kenya ay duqeyn ka geysteen degmada Ceel-cadde ee gobolka Gedo.
Sida ay sheegayaan dadka degaanka duqeyn muddo saacad ah socotay ayay shisheeyuhu la beegsadeen xaafadaha kala duwan ee magaalada.
Inta la hubo ma jirto cid ku dhimatay duqeynta balse waxaa ku dhaawacmay dad haween iyo caruur u badan, kuwaasoo lagu dabiibayo goobo caafimaad.
Ma ahan markii ugu horreysay oo ay dayuuradaha shisheeyuhu duqeyn noocan ah ka geystaan Gedo gaar ahaan Ceelcadde. Dhowr jeer oo hore ayay halkan duqeyn u geysteen.
Bishii lasoo dhaafay ayay ahayd markii ay sidan oo kale dayuuradaha shisheeyuhu duqeyn ku burburiyeen isbialka weyn ee degmada Saakow iyo Kolej diinta lagu barayay caruurta da’da qaan gaarka ka yar.
Damiir laawe mooyee
Dadwaynuhu baraaruge
Dulmigiyo xasuuqiyo
Dibin daab yaduu wado
Gaal dool kuyimidoon
Diin iyo akhlaaq iyo
Dadnimiyo wanaag wadin
Dayuusbaro nijaasiyo
Dacaarada kuwaa wada
Iyo Aw dulooboo
Diintiisi iibsaday
Doodooda lama rabo
Shuhadaday dileeniyo
Shacbigay dafirayaan
Daanadu u gaystiyo
Waxse abid Ku daba jira
Geesiyaal difaacoon
Nina duudsin karahayn
Xaqoodooy daba socdaan
Ragaas darajada helow
Ragaas diintaw kocow
Dariiqu waa cadyee
Waqiin dakanadi maqnayd
Doonoo dila gaal xarbiya