Qarax ayaa habeenkii xalay mar kale ka dhacay saldhigga degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelaha hoose kaasoo lala beegsaday goob ay inta badan ku nastaan ciidamada DF.
Wararka ayaa sheegaya in qaruxu uu burburiyay qeybo kamid ah dhismaha isku imaatinka, inkastoo aanan wali helin faahfaahin ku aadan haddii uu dhaliyay khasaare dhimasho iyo mid dhaawac.
Dhawaan ayay ahayd markii qarax kan lamid ah lala beegsaday isla saldhiggan, waxaana ku dhintay labo iyadoo ay ku dhaawacmeen labo kale oo uu kamid yahay taliyihii saldhigga.
Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaana sheegatay mas’uuliyadda weeraradan.