HomeAll newsQarax lagu dilay inkabadan 10 askari oo ka dhacay duleedka Muqdisho.

Qarax lagu dilay inkabadan 10 askari oo ka dhacay duleedka Muqdisho.

Qarax xoogan ayaa lala eegtay gaari nooca Jemeska ah oo ay saarnaayeen ciidamo katirsan dowladda federaalka, kaas oo ku safrayay wadada xeebta ah ee isku xirta Muqdisho iyo Marka.

Qaraxa oo si adag u haleelay gaariga Jemeska ah ayaa gebi ahaanba burburiyay gaariga, waxaana dhimasho iyo dhaawac noqday ciidankii saarnaa gaariga.

Warar ay heleyso Idaacadda islaamiga ee Al-furqaan waxay xaqiijinayaan in khasaaraha guud ee dhimashada iyo dhaawaca ee ka dhashay  qaraxaas ay gaareyso 14 askari oo katirsan ciidamada dowladda federaalka, kuwaas oo 8 kamid ah ay dhinteen, halka 6 kalana ay dhaawacyo soo gaareen.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda howlgalkan qaraxa ahaa ee lagu burburiyay gaariga Jemeska ah.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular