HomeAll newsWeerar Askar badan lagu dilay oo ka dhacay Iiraan.

Weerar Askar badan lagu dilay oo ka dhacay Iiraan.

Wararka ka imaanaya dalka Iiraan ayaa xaqiijinaya in weerar lagu qaaday ciidamo Iiraaniyiin ah oo sameynayay dhoolatus milliteri.

Weerarka ayaa ka dhacay magaalada Al-ahwaaz gobolka Khoozistaan ee dhaca koonfurta dalka Iiraan, waxaana ka dhashey khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo gaaray ciidamada Iiraaniyiinta.

Masuul katirsan maamulka gobolka Khoozistaan oo la hadlay warbaahinta ayaa xaqiijiyay khasaaraha horudhac ah ee ka dhashey weerarka uu yahay dhimashada 10 askari, iyo dhaawaca tiro kale.

Warbaahinta xukuumadda shiicada ee Iiraan ayaa shaacinaya in la dilay labo kamid ah rag la sheegay iney fuliyeen weerarka khasaaraha badan dhaliyay ee gaaray ciidama dowladda Iiraan.

Lama oga cida ka dambeysa weerarkan, waxaana xusid mudan in wadanka Iiraan ay ka howlgalaan Jamaacaad jihaadi ah oo kasoo horjeeda nidaamka shiicada ee ka dhisan wadankaas.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular