HomeAll newsUmulisada Isbitalka Saakow: (Meel Aan Ku Shaqeyno Ma Laha” (Sawirro+Dhageyso)

Umulisada Isbitalka Saakow: (Meel Aan Ku Shaqeyno Ma Laha” (Sawirro+Dhageyso)

Isbitalka Saakow oo muddo aad u dheer loogu soo adeegayay bulshada ayaa gabi ahaanba burburay kadib markii Mareykanku duqeeyay habeen hore.

Inkasoo aaney isbitalka dad ku dhiman, ayaa waxaa jira in sadax caruur ah ay dileen gantaalo kale oo ay dayuuraduhu ku dhufteen dugsi wax lagu baro caruurta.

Umulisada Isbitalka Saakow, Xaawo Maxamuud Maxamad ayaa Radio Al-furqaan u sheegtay ineysan heyn meel ay dumarka ku umuliso, maadaama ay baaba’een qalabkii iyo qolalkii ay ku shaqeeneysay.

Waxay sheegtay in isbitalkan looga iman jiray gobolada Gedo, Bay iyo Bakool iyo Jubooyinka intiisa badan. Dhacdadan ayay Xaawo ku tilmaantay mid ay u arkaan in uu Mareykan kula dagaalamayo horumarka iyo adeegga bulshada loo hayo. Gabi ahaanba waxaa istaagay adeeggii bulshada loo hayay.

Halkan Ka Degso Umulisada Isbitalka Saakow

Hoos Ka Daawo Sawirrada qolalkii Umulisada.

RELATED ARTICLES

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular