Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka ayaa xaley duqeyn wuxuushnimo ah ka geystay degmada Saakoow ee gobolka Jubada dhexe taas oo ay ku beegsadeen isbitaalkii guud ee degmada iyo madaraso ay caruurta wax ku bartaan oo ku taalla degmadaasi.
Diyaaradahan ayaa xaley fiidkii afar gantaal ku soo riday magaalada kuwaas oo si bareer ah u beegsaday Isbitaalka iyo madarasada oo ka mid ah goobaha lagu qabto adeegyada guud ee dadweynaha.
Ugu yaraan saddex caruur ah oo ka mid ahaa ardayda madarasada ayaa ku dhimatay duqeynta, waxaana ku dhaawacmay labo kale, balse wuxuu burbur xoogan soo gaaray goobaha danta guud ee la beegsaday.
Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Mareykanka oo ku aadan duqeymahan wuxuushnimo ee ay ku beegsadeen dadka rayadka ah balse saraakiil u hadashay DFS ayaa xaqiijiyey in ay wax ka ogaayeen duqeynta, iyagoona ku andacooday in lagu beegsaday dad ka tirsan xarakada Al-Shabaab.
Aadan Isaaq Cali oo ah waziir ku xigeenka warfaafinta ee DFS ayaa warbaahinta u sheegay in duqeyntaas lala eegtay dad ka tirsan Al-Shabaab.
Madaxda DFS oo aan badanaa lala socodsiinin duqeymaha uu Mareykanku ka geysanayo wadanka ayaa dhow rjeer ku hor fadeexoobay dadka Soomaaliyeed ka dib markii ay dusha u rideen mas’uuliyada duqeymo fara badan oo uu Mareykanku ku laayey dad shacab ah sida weerarkii Bariire ee lagu xasuuqay dadkii Beeraleyda ahaa taas oo ay DFS ku sheegtay in lagu beegsaday dad ka tirsan Al-Shabaab.
Hoos ka daawo sawirada dadkii lagu dilay duqeyntii Saakoow iyo burburka Isbitaalkii degmada ee u adeegayey dadweynaha.
ILMAHAAN MA MALITARIGA SHABAABUL MUJAAHIDIIN BEEY KA TIRSANAAYEEN.WAA CADOWTOOYO CAD OO DADKA MUSLIMIINTAA LOO QABO MARKA HALA TASHTO QORYAHA QAATA