
Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa dagaallo culus waxay ka galeen magaalooyinka Marka ee gobolka Shabeellaha hoose iyo Balad-Xaawo gobolka Gedo, kuwaas oo khasaare nafeed iyo mid maadiba lagu gaarsiiyay ciidamada dowladda.
Haddii aan ku hormarno dagaalka Balad-xaawo, ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab iyo kuwa maamulka Jubbaland ayaa dagaal adag waxa uu ku dhexmaray duleedka magaalada Balad-xaawo oo u dhow xad beenaadka Soomaaliya iyo Kenya.
Dagaalka oo in muda ah socday, la iskuna adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku dileen ugu yaraan 12 askari oo katirsan ciidamada maamulka Jubbaland.
Inkabadan 20 askari ayaa sidoo kale ku dhaawacantay dagaalka adag ee nawaaxiga Balad-xaawo, waxaana firxadka ciidamada Jubbaland ay gaareen Balad-xaawo.
Sarkaalkii watay ciidamada dagaalka galay oo lagu magacabo Cabeeye Joon ayaa kamid ahaa dadka ku dhintay dagaalka dhexmaray ciidamada Mujaahidiinta iyo kuwa maamulka Jubbaland.
Waxay sidoo kale, ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku gubeen dagaalka Balad-xaawo saddex gaari oo ay ku jiraan booyad iyo mid dagaal.
Dhanka kale ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa dagaal ku galay magaalada Marka oo qeybo kamid ah ay ku suganyihiin ciidamo katirsan dowladda.
Dagaalka oo ahaa mid xoogan, la iskuna adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan waxaa khasaare adag lagu gaarsiiyay ciidamada dowladda.
Gaari nooca Beebaha ah ayay ciidamada Al-Shabaab ku gubeen dagaalka Marka, halka gaari Cabdi bile ahna lagu gubay deegaanka Ceel-wareegow.