Mu’assasada warbaahineed ee As-saxaab ayaa baahisay bayaan kasoo baxay hogaanka sare ee Al-Qaacida, kaas oo loogu tacsiyeynayo guud ahaan umadda islaamka geeridii dhawaan ku timid Sheekh Mowlawi Jalaalu-diin Xaqqaani.
Bayaankan oo ka kooban labo Beyj, waxaa qoyska sheekha uu ka dhintay, Imaarada islaamiga Afqaanistaan iyo guud ahaan umadda islaamkaba looga tacziyeeyay geerida sheekha, iyadoona lagu soo gudbiyay qeyb kamid ah taariikh Mowlawi Jalaalu-diin Xaqqaani.
“quluub murugeysan, hadana rumeysan qadarta Allaah, iyo laab dhaawacan raallina ku ah qadaha Allaah, ayuu nagu soo gaaray warka ah geerida shekh Jalaalu-diin Xaqqaani, si lamid ah sida Umadaba oo idil uu u gaaray. Wuxuu sheekhu geeriyooday kadib Jihaad dheer, sabar isdaba yaala, iyo la hardanka cadowga Allaah ee Saliibiyiinta, difaacida muqadasaatka Umadda iyo dhulkeeda, iyo sidoo kale muda dheer oo uu xanuun laa daala dhacayay” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay hogaanka sare ee Al-qaacida.
Bayaanka waxaa looga hadlay qeyb kamid ah taariikhda iyo siirada sheekh Jalaalu-diin Xaqqaani.
Wuxuu sheekhu sanadkii 1358-dii hijriyada ku dhashey deegaanka Zadraan ee gobolka Baktiika wadanka Afqaanistaan, markii uu 6 sano gaareyna waxaa sheekhu la geeyay madaraso lagu barto quraanka kariimka, halkaas ayuuna wax akhrinta iyo fiqhiga Xanafiyada kusoo bartay, markii uu gaaray da’da iskuulaadka nidaamigana wuxuu sheekhu ku biiray iskuulka, isagoona markii uu ka qalin jebiyay ka mid noqday ardeyda Jamaacadda Al-xaqqaaniyah ee ku taalla deegaanka Akuura Khatk, culimadii waaweyneyd ee wax ka dhigayay jaamacadas ayuuna sheekha ka bartay funuunta kala ah Tafsiirka, Xadiithka, Fiqhiga, Luuqadda carabiga iyo funuun kale, wuxuuna darajada Mowlanimada uga baxay Jaamacadda Al-xaqqaaniyah, isagoona ugu dambeyn kamid noqday macallimiinta wax ka dhiga Jaamacadas”.
Marka laga hadlo masiirada Jihaadka ee Sheekh Jalaalu-diin Xaqqaani, waxaa bayaanka lagu sheegay in isagoo jira da’aada 25 sano uu kamid noqday raggii hurinayay dagaalka ka dhanka ah xisbiga shuuciyada ee uu hogaaminayay Daa’uud, kaas oo afgembi kula wareegay talada Afqaanistaan. Wixii ka dambeeyay markii midowga Soofiyeet uu gudaha usoo galey dalkana wuxuu sheekh Jalaalu-diin Xaqqaani ka qeyb qaatay aas-aaska Jamaaco jihaadi ah oo wajahda duulaanka cusub.
Sida bayaanka kasoo baxay hogaanka sare ee Al-Qaacida lagu sheegay, sheekh Jalaalu-diin Xaqqaani kama qeybgelin dagaalladii fitnada ee hareeyey Afqaanistaan markii uu midowga Soofiyeet ka baxay dalka Afqaanistan, isagoona aas-aaskii Imaarada islaamiga kadibna kamid noqday dadkii ugu horeeyey ee beycada la galay Mullaa Cumar Mujaahid, wuxuuna sheekhu kamid ahaa culimada dadka ugu baaqeysay in lagarab istaago Imaarada islaamiga ee Afqaanistaan.
Wixii ka dambeeyey weeraradii 11 septembar, iyo duulaankii Maraykanku kusoo qaaday wadanka Afqaanistaan, wuxuu Sheekh Jalaalu-diin Xaqqaani garab iyo gabaadba u noqday Muhaajirinta iyo qoysaskooda, isagoona kaqeyb galay dagaalka cusub ee billowday.
“ Waxaan isku sabarsiineynaa wiilka sheekh Jalaalu-diiin uu dhalay ee Sheekh Siraaju-diin kaas oo ah amiirkeena iyo ku xigeenka amiirka Imaarada islaamiga ee Afqaanistaan, wuxuu aabihii ka qaaday raayada towxiidka iyadoo cad oo saafi ah, waxaana u rajeyneynaa inuu ku socdo dhabihii aabihii, waxaana Allaah u weydiineynaa inuu sugo, uuna waafajiyo kheyrka..” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay hogaanka sare ee Alqaacida, loogana tacziyeeyay geerida Sheekh Mowlawi Jalaalu-diin Xaqqaani.
Ugu dambeyn bayaanka kasoo baxay hogaanka sare ee Qaacidatul-Jihaad, waxaa lagu sheegay in Al-qaacida ay ku taagantahay dhabbaha Jihaadka, iyo wadadii ay ku baxeen hogaamiyaasha Jihaadka.
“ waxaan u cusbooneysiineynaa si guud umadeena, gaar ahaan madaxdeena Imaarada islaamiga ee Afqaanistaan oo uu ugu horeeyo amiirkeena Sheekha muxadithka ah Hibatullaah Alaah dhowree- ballanta ah inaan oofino beycada, oo aan ku sugnaanno wadadii uu ku baxay Sheekh Jalaalu-diin Xaqqaani, waxaana taczideena u direynaa ehelka sheekha, kuwii jeclaa, qaraabadiisa, wiilashiisa kuwa uu awoowaha u yahay, waxaana la qeybsaneynaa murugada weysmada waalidkeena sheekh Jalaalu-diin Xaqqaani”. Ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay hogaanka sare ee Al-Qaacida, ayna baahisay mu’assasada As-saxaab.
Dhawaan ayay ahayd markii Imaarada islaamiga ee Afqaanistaan ay shaacisay geerida Sheekh Jalaalu-diin Xaqqaani oo kamid ahaa aas-aasayaashii Imaarada islaamiga ee Afqaanistaan, kadib sanado xiriir ah oo uu sheekhu xanuunsanaa.