Habeennimadii xalay waxaa magaalada Muqdisho lagu toogtay xubin katirsan wasaaradaha dowladda federaalka ee uu hogaamiyo Xassan Kheyre.
Rag bastoolado ku hubeysan oo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa toogtay mas’uul katirsan wasaaradda Qorsheynta.
Masuulka la toogtay waxaa lagu magacaabaa Cumar Xasan Ganeey, waxaana lagu dilay isgosyka KPP xaafadda Kaas-balballaari ee degmada Hodan.
Ragga dilka geystay ayaa goobta isaga tagay, waxaana meydka Geneey goordambe qaaday ciidamo katirsan dowladda federaalka.
Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda dilka Sarkaalkan oo ku daba feylaya silsilado weeraro abaabulan oo magaalada Muqdisho ka dhacayay mudooyinkii lasoo dhaafay.