HomeAll newsMagaalada Marka Oo marti gelisay dagaal culus.

Magaalada Marka Oo marti gelisay dagaal culus.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa xalay weerar culus ku ekeeyey fariisimiyaasha magaalada Marka ku leeyihiin ciidamada dowladda federaalka.

Ciidamada Al-Shabaab oo  aad u hubeysan ayaa dagaal culus kusoo  galay magaalada, waxayna farasaareen ciidamada dowladda, iydoona dagaalka la isku adeegsaday  hubka noocyadiisa kala duwan.

Dadka deegaanka waxay sheegayaan in labada dhinac ay isku adeegsadeen hub aad u culus, islamarkaana xaafado katirsan magaalada Marko lagu arkay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Ciidamada  dowladda ayaa la  rumeysanyahay inuu soo gaaray khasaare culus, walow aan la helin faafaahin rasmi ah.

Magaalada Marka ayaa dhawaan waxaa xaafado kamid ah soo  galay ciidamada dowladda, kuwaas oo dhib iyo amni kusoo kordhiyay magaalada.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular