HomeAll newsJarmalka oo ku fakaraya inuu ciidamo geeyo dalka Suuriya.

Jarmalka oo ku fakaraya inuu ciidamo geeyo dalka Suuriya.

Dowladda Jarmalka oo kamid ah wadamada dhaca qaaradda Yurub, ayaa ku fakareysa iney ciidamo geyso wadanka Suuriya, halkaas oo todobo sano uu ka socdo dagaallo looga soo horjeedo Nidaamka Bashaar Al-asad.

Afhayeen u hadlay xukuumadda Jarmalka ayaa shaaca ka qaaday in Jarmalka ay wado wadahadallo ay la yeelaneyso xulafadeeda Maraykanka iyo Yurub, kuwaas oo looga hadlayo suuragalnimada in ciidamo ka socda Jarmalka la geeyo wadanka Suuriya.

Ruushka iyo Nidaamka bashaar Al-asad ayaa qorsheynaya iney weerar ku qaadaan gobolka Idlib oo ah saldhiga ugu weyn ee wuqooyiga Suuriya kaga suganyihin shacabka Suuriyaanka ee kasoo barakacay gobollada kale iyo kacdoon wadayaasha.

Reer galbeedka ayaa iska dhigaya iney kasoo horjeedaan dhibaateynta shacabka wuqooyiga Suuriya, balse sida muuqata hadalkooda ma dhaafsiisana afka, waxaana ay jiraan safka Ruushka.

Inkastoo dowladda Jarmalka aaney macquul ahayn iney ciidamo keento, sida uu sheegayo afhayeenka u hadlay, hadana waa wadahadallo iyo baaritaanno socda, kana soo bixi karaan wax weliba.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular