HomeAll newsAskar Jabuutiyaan ah Oo lagu dilay Qarax ka dhacay Buula-burde.

Askar Jabuutiyaan ah Oo lagu dilay Qarax ka dhacay Buula-burde.

Qarax ka dhacay magaalada Buula-burde ee gobolka Hiiraan ayaa khasaare lagu gaarsiiyay ciidamo katirsan Jabuuti oo kamid ah dowladaha garab taagan Shisheeyaha kusoo duulay dhulkeena Soomaaliya.

Qaraxa oo ahaa mid xoogan, ayaa dhacay gelinkii dambe ee shalay, waxaana uu ka dhacay goob ay maandooriyaha Qaadka ka iibsanayeen ciidamada Jabuutiyaanka.

Ugu yaraan labo askari oo Jabuutiyaan ah ayaa la xaqiijiyay iney ku geeriyoodeen qaraxaas, halka tiro kalana ay ku dhaawacmeen.

Jabuutiyaanku waxay hawada ka saareen isgaarsiinta marki uu qaraxa dhacay kadib, iyagoona xilli dambe soo daayay.

Waa qaraxii labaad oo todobaadyo gudahood magaalada Buula-burde lagula eegto ciidamada  Jabuutiyaanka, waxaana mas’uuliyadda qaraxan sheegtay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

(frozenropes.com)

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular