Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerar ku ekeeyay askar katirsan maamulka Koonfur-galbeed oo ku sugnaa isbaaro ay dadka iyo gaadiidka lacago baad ah kaga qaataan.
Ciidamada Mujaahidiinta ayaa weerarka ku kediyay askarta maamulka Shariif Xasan, kuwaas oo ku sugnaa deegaan ku dhow magaalada Baydhabo, oo ku yaala wadada isku xirta Diinsoor iyo Baydhabo.
Ugu yaraan 5 askari ayaa goobta ku dhintay, waxaana Mujaahidiintu soo qaateen 3 qori iyo booshashkooda.
Weerarkan wuxuu kusoo aaday, iyadoo mid lamid ah uu waaberigii saaka ka dhacay wadada isku xirta Jowhar iyo Mahadaay, halkaas oo lagu dilay labo askari oo katirsan maamulka Hir-Shabeelle, iyadoona sidoo kale Mujaahidiintu furteen labo qori iyo labo boosh.