Wararka naga soo gaaraya wilaayada islaamiga ee Shabeellaha-dhexe waxay ku waramayaan in gobolkaas uu ka dhacay howlgal gaar ah oo lagu beegsaday ciidamo katirsan maamul goboleedka Hir-shabeelle.
Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa inta u dhexeysa magaalooyinka Jowhar iyo Mahadaay waxay ku dileen labo askari oo katirsan Hir-shabeelle, iyagoona dhinac kale howlgalkaas ku furtay labo qori iyo booshashkooda.
Inta badan Shisheeyaha iyo malleeshiyaadka Soomaalida ee ku sugan Shabeellaha dhexe ayaa mudooyinkii lasoo dhaafay waxaa ku badanayay howlgallada lagu dhiig bixinayo ee uga imaanaya dhanka Mujaahidiinta.