Waxaa magaalada Muqdisho marba marka ka dambeysa kusii kordhaya dilalka qorsheysan ee loo geysanayo saraakiisha dowladda federaalka.
Rag hubeysan oo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa habeenkii xalay waxay degmada Waaberi ku toogteen sarkaal katirsan ciidamada Sirdoonka dowladda federaalka.
Goobjoogayaal waxay warbaahinta u xaqiijiyeen in qeybaha sare ee jirka dhowr xabadood looga dhuftay sarkaalkan oo ku sugnaa nawaaxiga baar Ha i dhaafin ee degmada Waaberi ee gobolka Banaadir.
Raga dilka geystay ayaa goobta isaga tagay, waxaana mar dambe halka uu dilka ka dhacay soo gaaray ciidamada dowladda oo qaatay meydka sarkaalkooda.