Magaalada dekadda leh ee Casab, kana mid ah dalka Ereteriya waxaa maanta ku kulmay madaxweynayaasha wadamada Itoobiya, Ereteriya iyo madaxweynaha dowladda federaalka Maxamed Farmaajo.
Madaxda kulmaya ayaan la ogeyn waxyaabaha ay ka wada hadli doonaan, waxaana kulankooda uu kusoo aaday iyadoo dhawaan dalka Shiinaha uu kusoo dhamaaday kulan dowlada Shiinaha la yeelatay madaxda dalalka Africa.
Dowladda Jabuuti oo kamid ah wadamada dhaca geeska Africa ayaa ka maqan kulankan, waxayna muujineysaa khilaafka u dhexeeya Jabuuti iyo dowladda Farmaajo halka uu marayo.
Jabuuti ayaa muran ku salleysan xuduudaha waxay kula jirtaa dowladda Ereteriya, waxaana dhawaan markii Farmaajo uu la kulmay madaxweynaha Ereteriya ay dowladda Jabuuti muujisay siday uga xuntahay tallaabadaas.