HomeAll newsCiidamada Al-Shabaab Oo Dagaal culus ku galay degmada Afgooye.

Ciidamada Al-Shabaab Oo Dagaal culus ku galay degmada Afgooye.

Habeenkii xalay, ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa dagaal culus oo ballaaran waxay ku qaadeen degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose, halkaas oo  ay ku suganyihiin ciidamada dowladda iyo kuwa Shisheeyaha.

Dadka Goobjoogayaasha waxay noo sheegeen in ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay la wareegeen inta badan xaafadaha Afgooye, kadib dagaal adag oo ay la galeen ciidamada dowladda.

Khasaare ayaa gaaray ciidamada dowladda, waxaana Idaacadda Al-Furqaan iney hesho macluumaad dheeri ah oo ku aadan dagaalkii xalay ka dhacay Afgooye.

Ugu yaraan 5 askari oo katirsan dowladda ayaa lagu dilay dagaalka ay Mujaahidiintu qaadeen, waxaana suuragal ah in khasaaruhu intaas kasii bato.

Sidoo kale ciidamada Mujaahidiinta waxay heleen shan qori, halka ay gubeen ugu yaraan 3 gaari oo u badan kuwa dagaalka.

Waxaa saaka degan xaaladda degmada Afgooye, dadkuna waxay ka sheekeysanayaan dagaalkii cuslaa ee xalay degmadooda ku dhexmaray Mujaahidiinta iyo kuwa dowladda federaalka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular