HomeAll newsKun Askari iyo Qoryahooda Oo isku dhiibay Imaarada Islaamiga ee Afqaanistaan.

Kun Askari iyo Qoryahooda Oo isku dhiibay Imaarada Islaamiga ee Afqaanistaan.

Dhacdo la yaab leh ayaa laga soo sheegayaa dalka Afqaanistaan oo 17 sano oo xiriir ah uu ka socdo dagaal jihaad ah oo lagula jiro dowladda Maraykanka iyo xulafadeeda oo dalkaas duulaan ku qaaday.

Kun askari, hogaankooda, islamarkaana wata agab milliteri oo aad u farabadan ayaa isku dhiibay Imaarada islaamiga ee Afqaanistaan, iyagoona ka towbad keenay falkii ay ku jireen.

Imaarada Islaamiga ee Afqaanistaan waxay xaqiijisay in kunkan askari ay iska soo dhiibeen deegaannada Barjal iyo Shahar-amaan oo hoostaga degmada Qaadis ee wilaayada Baadqiis ee dalka Afqaanistaan.

Ciidankan faraha badan ee isasoo dhiibay waxay sheegeen iney ka go’antahay ineysan mar dambe ku laabna safka Shisheeyaha, ayna diyaar u yihiin iney ka barbar dagaallamaan ciidamada Imaarada islaamiga ee Afqaanistaan.

Xaflad aad u ballaaran oo ay kasoo qeybgaleen mas’uuliyiin katirsan Imaarada Islaamiga ee Afqaanistaan, culimada diinta Islaamka, Odayaasha dhaqanka, taas oo lagu maamusayay, laguna soo dhaweynayay ciidamadna towbad keenayaasha ayaa la qabtay.

Dhamaan dadkii xafladda kasoo qeybgalay ayaa bogaadiyay askarta towbad keenka ah, waxayna u muujiyeen farxad aan lasoo koobi karin.

Ciidamada isasoo dhiibay waxay Imaarada Islaamiga ee Afqaanistaan ku wareejiyeen 1000 qori oo Ak447 ah, 40 BKM, iyo 10 Qori oo RBG ah, waxaana aad u badan rasaasta ay keeneen.

Dadka deegaanka oo aad ugu farxay tallaabad ay qaadeen ciidamadan ayaa dhankooda iyagana waxay Imaarada  islaamiga ah ee Afqaanistaan ku wareejiyeen hub aad u farabadan, kuwaas oo kala ah 1000 qori, 100 BKM, 80 RGB, iyo rasaas aad u farabadan.

Arintan ayaa ah mid la yaab leh oo aad u farxad badan, mana ahan wax horey uga dhacay Afqaanistaan iyo wadamada la midka ah ee uu ka socdo dagaalka Jihaadka ah.

RELATED ARTICLES

1 COMMENT

  1. Waa qandarada tawxiidka iyo qoosha iimaane

    Rabibaa qabwayn siiyeyoo qoor madhiib taane
    Qawsaar murtada iyo warkiis uma qushuucaane
    Waa qarni barki waxay jihaad qirdi dilaayeene
    Quwad weeye tawxiid heliyo jeesh qiyaadaahe
    Qalalaase beenay kufrigu nagu qardoofeene
    Qabkii baa kalumay oo haday quus maraayaane
    Daalibaan Ilaahow quwee qaadir waa adiye

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular