War kusoo dhacay warqabadka Idaacadda islaamiga ee Al-Furqaan waxa uu xaqiijinayaa in howlgal ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ka fuliyeen gobolka Laamu lagu dilay ciidamo aad ubadan oo Kenyaati ah.
Weerarka oo ahaa mid aad u qorsheysan waxaa kamiin loogu dhigay kolonyo ciidamo Kenyaati ah oo ku socdaalayay wadada isku xirta Kiyuunga iyo Maraani oo katirsan gobolka Laamu.
Ciidamada Mujaahidiinta ayaa weerarkan fariidka ah waxay ku furteen saanado hub milliteri oo aad u farabadan, waxaana kamid ah 16 Qori, iyadoona dhanka kale lagu gubay labo gaari oo ay wateen ciidamada Kenyaatiga.
Sawirro lagu baahiyay baraha Internetka ayaa muujinaya gawaari dagaal oo ku gubanaya dhulka keymaha ee Laamu, waxaana weli jirin war rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Kenya.
Xasuuqan loo geystay ciidamada Kenya ayaa qeyb ka ah howlgallada ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ka wadaan gudaha dhulka ay Kenya xooga ku heysato, waxaana weerarkan uu imaanayaa iyadoo dhawaan madaxweynaha Kenya Uhuru uu shaaca ka qaaday in sida ugu dhaqsiyaha badan uu ciidamadiisa kagala bixi doono Soomaaliya.