Dowladda Iiraan ayaa dacwad ka gudbisay dowladda Maraykanka, taas oo ku aadan in Maraykanku ka baxay heshiis horay ay u wada gaareen labada dowladood.
Qudaada waxa loogu yeero Maxkamadda aduunka ayaa u fadhiistay eegista dacwada Iiraan ay soo gudbisay, waxaana ay ka codsatay iney soo saarto qaraar sheegaya iney mamnuuc tahay in Maraykanku cunaqabateyn saaro Iiraan.
Maraykanka oo dacwada Iiraan aad uga carooday ayaa shaaca ka qaaday inuusan ka laaban doonin cunaqabateynta ay kusoo rogeen dowladda Iiraan, taas oo ay ku tilmaameen iney tahay mid lagu ilaalinayo amaanka dalka Maraykanka.
Wasiirka arimaha dibadda Maraykanka oo war soo saaray wuxuu maxkamadda ku eedayay iney ka leexatay wadadii ay ku socotay, dhankoodana ay is difaaci doonaan, kana laaban doonin cunaqabateynta ay kusoo rogeen dowladda Iiraan.
Dhawaan ayay ahayd markii dowladaha Yurub ay sheegeen iney la safanyihiin dowladda Iiraan, Maraykankana ay la gudboontahay inuu kusoo laabto heshiiskii nuclearka ee Iiraan lala gaaray.
Go’aanka midowga Yurub oo dhaawac ku ah Maraykanka, muujineyanana inuu dhamaaday waqtigii Ameerikaanku amar taagleyn jiray ayaa yimid ka gadaal markii Donald Trump uu khiyaar geliyay Midowga Yurub, iney taageeraan Maraykanka ama ay la saftaan Iiraan.
Hadalkan mid shabaha waxaa horey u yiri Bush, markii ay dheceen weeraradii 11 septembar, balse markaas Maraykanka aad ayaa looga baqi jiray, waxaana dowladaha caalamka oo idil ay ku biireen xamaladii lagu qaaday Afqaanistaan.
Dad badan ayaa u arka in miraha ka dhashey duulaannadii 11 septembar ay kamid tahay in gaal iyo muslimba ay Maraykanka ku dhiiradaan, islamarkaana kabiya diidaan qaar kamid ah go’aannadiisa, waana tan hadda heysata oo kale.