Diraasad cusub oo ay soo saartay Jaamacad ku taalla dalka Swidan ayaa lagu xaqiijiyay in hurdada yar ay saameyso wadnaha, si lamid ah sida Sigaarkuba waxyeelo caafimaad u gaarsiiyo wadnaha.
Baare katirsan jaamacadda Göteborg ayaa sheegaya in dadka mashquulka badan ay u arkaan hurdada iney tahay mid waqtiga lumisa, balse diraasaddan ay iyagu sameeyeen ay cadeyneyso in hurda yarida ay waxyeello adag gaarsiiso wadnaha, islamarkaana sababto xanuuno badan.
Wuxuu intaa ku daaray macallinkan kamid ah dhakhaatiirta diraasadda sameysay in xajmiga waxyeellada hurda yarida ku keeneyso wadnaha ay lamid tahay ama ku dhowdahay sigaarka, kaas oo la ogyahay xanuunada adag ee uu ku keeno banii aadamka.
Baaritaanno lagu sameeyay kudhawaad 2000 oo ruux, oo u badan ragga jira da’da kontonka ay banaanka soo dhigtay in dadka waqtiyada yar seexda ay ku badanyihiin xanuunnada ku dhaca wadnaha.
Dadka sida wanaagsan ee dheelitiran u hurda ayaa la sheegayaa in caafimaadkoodu wanaagsanyahay, islamarkaana badanaa jirin khataro dhanka caafimaadka oo soo wajahda.
Hadaba diraasadan waxay muujineysaa in hurdadu oo aan lagu xadgudbin, qadarkeeda munaasabka ahna la badin ay qeyb ka tahay caafimaadka qofka banii aadamka.
Dhaqannada Nabiga Sallaahu caleyhi wassalam ka sugan, lagana wariyay waxaa kamid ah inuu jeclaa in qofku seexdo salaada cishaha kadib haddii aysan jirin mashquul sharci ah oo markaas heysta.
Arintaas waxay qofka ka saacideysaa in xilli fiican uu soo kaco salaadda subaxa, islamarkaana u guto waajibaadka diini ee saaran maalinta xigta, waxaa adag qofka noocas ah in xitaa uu hurdo ku laabto salaadda fajarka kadib, taas oo ay ku timid karaahiyo.
Waxaa sidoo kale haboon in maalintii waqti kamid ah gaar ahaan xilliga ay qoraxdu kulushahay uu qofku mar seexdo, taas oo loo yaqaano Qeyluula, waxayna dhakhaatiirtu sheegaan in caafimad ahaan ay wanaagsantahay, caruurtana ay ka qeyb qaadato koriimadooda.