HomeAll newsDifaacyada Shisheeyaha Ee Duleedka Qoryoolay Oo La Weeraray.

Difaacyada Shisheeyaha Ee Duleedka Qoryoolay Oo La Weeraray.

Waa ciidamo katirsan Mujaahidiinta.

Ciidamo katirsan  Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa duulaan ku qaaday fariisimiyaal ciidamada Shisheeyaha ku leeyihiin deegaan dhaca duleedka magaalada Qoryoolay ee gobolka Shabeellaha-hoose.

Mujaahidiinta oo aad u hubeysan, islamarkaana si wanaagsan isku soo diyaariyay ayaa mar qur ah waxay qoriyaasha jugta culus ku garaaceen difaacyada shisheeyaha ee deegaanka Mashaleyto oo dhaca duleedka magaalada Qoryoolay.

Dagaalka wuxu ahaa mid aad u culus, islamarkaana in muda ah socday, waxaana muuqatay in Shisheeyaha la kediyay.

Dhowr jeer oo hore waxay ciidamada Shisheeye ee duulaanka ku jooga  Soomaaliya gaar ahaan Shabeellaha hoose la kulmeen weeraro culus oo uga yimid dhanka Mujaahidiinta, kuwaas oo khasaare kala duwan lagu gaarsiiyay.

Weerarkii kan ka horeeyay wuxuu qabsaday ciidamo Shisheeye ah oo marayay duleedka Qoryoolay, waxaana lagu dilay kudhawaad 10 askari.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular