Waxaa la xaqiijiyay inuu geeriyooday mid kamid ah senatarada ugu caansan Odoyaasha Congreska dalka Maraykanka. Kaas oo uu soo ritay xanuun daran.
War kasoo baxay xafiiska senator John MacCain ayaa lagu xaqiijiyay inuu geeriyooday senatorka, muda dheer oo uu la daaladhacayay kadib xanuunka Cancerka Maskaxda.
Wuxuu da’ ahaan jiray 81 sano, wuxuuna kamid ahaa saraakiishii ugu muuqatay ee ka qeyb galay dagaalkii Vitnam, wuxuuna gobolka Arizona u matalayay Aqalka Congreska 35-tii sano ee ugu dambeysay.
Sanadkii 2008-da ayuu u tartamay qabashada xilka madaxtinimada Maraykanka isagoo ka socoday xisbiga Jamhuuriga, balse waxaa ka guuleystay Brack Obama.
Waxaa lagu xusuustaa ninkan cadaawada gaamurtey ee uu u qabay Islaamka iyo muslimiinta, wuxuu kamid ahaa senatarada ugu muuqda ee sida indha la’aanta ah u taageersanaa duullaannada uu Maraykanku ku qaaday dalalka Islaamka.
Warar ay baahinayaan qaar kamid ah ehalladiisa ayaa sheegaya in John MacCain uu dardaarmay in janaasadiisa uusan soo xaadirin Donald Trump, madaxweynaha Maraykanka.
Mudooyinkii dambe ayuu aad u dhaliilsanaa siyaasadda Donald Trump, wuxuuna ka weerari jiray barta Internetka oo uu ku lahaa account isaga u gaar ah.