HomeAll newsSawirro: Saakow Iyo Sida Maanta Looga Ciiday.

Sawirro: Saakow Iyo Sida Maanta Looga Ciiday.

Magaalada Saakow ee wilaayada islaamiga ah ee Jubooyinka ayaa waxaa maanta looga ciiday si wanaagsan oo aad u heer sarreysa, iyadoo fagaaraha weyn ee Salaadda ay soo xaadireen dad weyne aad u badan.

Dadka ayaa ahaa kuwa faraxsan oo ku dhawaaqayay Takbiirta, (Allaahu Akbar) sidoo kalana isugu hambalyeynayay maalmahan farxadda badan ee Ciidul-adxaa.

Salaadda kadib fagaaraha waxaa laga jeediyay khudbado waaqica taabanaya, kadiba dadku waxay u kala dhaqaaqeen Gawraca xoolaha (Udxiyada) iyo qaraaba salaanka.

Haddaba, waxaan halkan idiinku soo gudbineynaa Sawirro muujinaya sida looga ciiday Saakow, sawirradan ood uga kaaftoomi karto kumannaan eray oo lagaaga sheekeeyo xaaladda magaalada tan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular