
Wararka ka imaanaya gobolka Togdheer ayaa sheegaya in qarax khasaare dhaliyay uu ka dhacay magaalada madaxda gobolkaas ee Buuhoodle.
Qaraxan ayaa beegsaday Cabdi-fataax Maxamed Cali oo horey usoo noqday la taliyihii ra’iisul wasaarihii hore ee dowladda Cumar Cabdi-rashiid Sharmarke, sidoo kalena soo noqday madixii maaliyadda Ururkii Xisbul Islaam ee la midoobay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Cabdi-fataax waxaa lala dilay wasiirkii hore Arrimaha Gudaha Maamulka Khaatumo Axmed Maxamuud Doolaal.
Illaa iyo hadda majirto cid sheegatay mas’uuliyadda dilka xubnahan.