Warqabadka Idaacadda islaamiga ee Al-furqaan waxaa kusoo dhacaya warar sheegaya in duqeyn culus ay ku socoto saldhiga ciidamada Shisheeyaha Amisom ay ku leeyihiin deegaanka Ambareeso duleedka magaalada Baraawe gobolka Shabeellaha hoose.
Xilliga duqeynta lagu bilaabayay saldhiga ciidamada Yugaandha ee Ambareeso waxaa soo caga dhigatay diyaarad Hellecopter ah oo lagu waday iney qaado dhaawacyada ciidamada Shisheeyaha.
Diyaaradda ayaa si dirqi ah ku badbaaday, waxaana si deg deg ah uga duushey goobta, iyadoo aan gaarin ujeedkii ay lahayd oo ahaa iney daabusho dhaawacyada Shisheeyaha.