Si guud wadamada Yurub wuxuu Alle ku salladay maalmahan dab xoogan oo aan la ogeyn waxa kiciyay, kaas oo si xowli ah ku socoda, islamarkaana baaba’inaya dhismayaasha iyo dhulka beeraha ah.
Wadanka Greega waxa uu kamid yahay dalalka Yurub ee dhibaatadaas la daala dhacaya, waxaana weli dalka ka socoda dab kacay oo si baaxad leh u socoda.
Magaalada Maty ee dhacda bariga caasimadda Greega Athenia ayaa lagu soo waramayaa iney qarka u saarantahay in gebi ahaanba ay burburto, dab xoogan oo magaalada ka socoda awgeed.
Kooxaha badbaadada ayaa isku dayaya iney hakiyaan xowliga uu ku socdo dabka, balse way u suurageli la’dahay, waxaana mar weliba sii kordhaya khasaaraha ka dhashey dabka.
Ugu yaraan 88 ruux ayaa la shaaciyay iney geeriyoodeen, tobanaan kalana iyagoo dhaawac ah ayaa la dhigay isbitaallada, si xaaladooda loola tacaalo.
Ra’iisul wasaaraha Greega oo warbaahinta la hadlay wuxuu sheegay in xukuumadiisu siyaasi ahaan ay qaadaneyso mas’uuliyadda dabka, balse wuxuu sheegay iney jiraan dad si ula kac ah dabkan u kiciyay.
Inkastoo dad cayiman uusan farta ku fiiqin ra’iisul wasaaruhu, hadana wuxuu sheegay in falkan lasoo abaabulay, ayna tallaabo qaadan doonaan.