Maalintii shalay ayaa garsoorayaasha waxa loogu yeero Maxkamadda Aduunka waxay go’aan ka gaareen dood in muda ah soo jiitameysay oo u dhexeysa dowladaha Qadar iyo Imaaraadka Carabta.
Dacwadda ayaa ku salleysan dhibaatooyin iyo xadgudubyo kasoo horjeeda waxay ugu yeeraan Qaanuunka oo dowladda Imaaraadka ay kula kacday dadka kasoo jeeda wadanka Qadar, wixii ka dambeeyay markii dowladaha Afarta ah oo ay Imaaraadku ku jirto go’doonka kusoo rogeen Qadar.
Maxkamadda ayaa amartay in dowladda Imaaraadka ay u hogaansato qawaaniinta caalamiga ah, islamarkaana meesha ka saarto in muwaadiniinta u dhashey Qadar ee sanadaha badan degnaa Imaaraadka ay hantida maguurtada ah ee dalkaas ku leeyihiin ay iyagu xaq u leeyihiin.
Go’aannada kale ee ay maxkamadu gaartay waxaa kamid ah in Imaaraadka lagu qasbay in ardeyda wax ka barta dalkeeda ee kasoo jeeda Qadar ay sii dhameystaan waxbarashadooda, loona fududeeyo arintaasi.
Dowladda Qadar ayaa si aad ah usoo dhaweysay arintan, waxayna ku tilmaamtay guul usoo hooyatay wadankeeda.
Dhanka Imaaraadka war ay soo saareen waxay iyaguna sheegeen iney soo dhaweynayaan go’aannada Maxkamadda Aduunka, ayna ku qanacsanyihiin, waxaana ay ku faaneen in dacwo badan oo Qadar ay soo jeedisay la laalay.
Dadka siyaasiyiinta iyo dadweynaha isticmaala baraha bulshada ayaa ku diganayay dowladda Imaaraadka, waxayna sheegeen in islaweyni iyo kibir uu u diidanaa iney gardaradeeda qirato, maantana iyadoo dulleysan lagu qasbay arintaas.