HomeAll newsSawirro: Hey'adda Al-Ixsaan oo Xanuuno Ka Daaweeneysa Xoolaha Sh/hoose.

Sawirro: Hey’adda Al-Ixsaan oo Xanuuno Ka Daaweeneysa Xoolaha Sh/hoose.

Jamciyadda kheyriga ah ee Al-Ixsaan, ayaa gobolka Sh/hoose, ka wada ol’ole ay ku daaweeneyso xoolaha gaar ahaan Geela oo xanuuno laga sheegayay usbuucyadii lasoo dhaafay.

Illaa iyo hadda waxay jamciyaddu meelo kala duwan oo gobolka ah ku daweysay 188 neef oo Geel ah sida ay inoo xaqiijiyen dhaqaatiirta.

Ol’olahan ayaa waxa uu xooggiisa ka dhacay tuulooyin hoos yimaada degmada Baraawe oo kala ah: Indeyto, Mokokoro, Ari caddey, Kur-adeed, Kulan-maansha iyo Urun-daalow.

Odyaasha dhaqanka ee tuulooyinkan iyo dadka xoolaha loo daweeyay ayaa hey’adda Al-ixsaan, uga mahad celiyay gurmadka caafimaad ee ay xoolaha u fidiyeen.

Wariyaheena Muudey, oo soo tabiyay warbixintan ayaa waxa uu soo sheegayaa inuu indhihiisa ku arkay xoolo xanuunsanaa oo uu socodku dhibayay, oo uu Allaah ku caafiyay daawadii la siiyay.

Hey’adda Al-ixsaan, waxay ka hawl gashaa wilaayaadka islaamiga ah ee Soomaaliya, iyadoo kaalin muhim ah u heysa mujtamaca muslimka ah, haddey ahaan lahayd iney u gurmadaan dadka tabaaleysan, kuwa musiibooyinku saameeyaan sida:- Abaaraha, dhibaatooyinka barakicineed ee shisheeyaha iyo guud ahaan adeegga bulshada.

 

 

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular