HomeAll newsSawirro: Beeraha Bay Iyo Bakool oo Badar Badan Laga Goosanayo Bisha Soo...

Sawirro: Beeraha Bay Iyo Bakool oo Badar Badan Laga Goosanayo Bisha Soo Socota Insha’aah.

Wariyaal ka tirsan warbaahinta islaamiga ah ee Al-furqaan, ayaa dhawaan socdaal shaqo ku tagay degaano iyo degmooyin ka tirsan wilaayada islaamiga ah ee Bay iyo Bakool.

Marka la eego dhanka wax soo saarka, guud ahaan wilaayadu waxay ahayd mid ka duwan afartii sannadood ee lasoo dhaafay, kadib markii uu Allaah, ku mannaystay roob badan dadkuna ay illaa xad ka faa’iideysteen.

Qeybta Bay ayay si gaar ah u quseysaa qormadan iyo sawirrada hoos ku daabacan. Bay waxaan ka tagnay dhul beereed badan oo hoos taga degmooyinka, Qansaxdheere, Ufurow, Baydhabo iyo Diinsoor.

Dhammaan degaanadan waxay ahaayeen kuwa si wacan wax looga beertay iyadoo mararka qaar aan ku soconeynay dhul boqol KM ah oo la wada beertay.

Waxay dadku beerteen, Masagada, Sisinta, Galleyda iyo Digirta, inkastoo ay masagadu kaalinta kowaad ku jirtay. Qaar kamid ah dadka beeraleyda ah ayaa waxay inoo sheegeen in qiyaastii bil kadib la guranayo dhammaan dalagga insha’allaah.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular