Maamulka Aala-Sucuud ayaa halkiisa kasii wada qab-qabashada culimada iyo ducaada ku dhaqan dhulka Xarameynka.
Sida uu baahiyay xisaab barta Twitterka ah oo faafiya wararka culimada iyo ducaada uu xir xirayo maamulka Aala-Sucuud ayaa xaqiijiyay in ciidamada Amaanka ay xabsiga dhigeen sheekh Cali Al-Qaamidi oo kamid ah culimada waaweyn ee Xarameynka.
Ciidamada amaanka ayaa u daatay guriga sheekha, waxaana la qabtay isaga, walaalkiisa, Qareenkiisa iyo ugu yaraan 5 ruux oo kale oo kamid ah ardeyda kabarata diinta Islaamka.
Sheekha ayaa ahaa qof xanuunsan, islamarkaana ay ku xiranyihiin qalab Oxgeyn, waxaana la ogeyn sida ay xaaladiisu iminka tahay.
Waxaa muuqata in culimada midba midka uu maamulka Aala-Sucuud isleeyahay waxaa dhici karta in maalin uu idin ka horyimaado ay xiraan, waxaana la yaab leh weli waxay u aamunsayihiin si guud culimada Xarameynka iyo guud ahaan shacabka muslimka ah ee halkaas ku dhaqan.