Talaadadii shalay, waxaa magaalada Kuunyo Barrow ee gobolka Sh/hoose lagu soo gunaanaday kulan muhim ah oo u dhaxeeyay wilaayada islaamia ah ee Sh/hoose iyo beesha Shan gamaas (Tunni) kulankaas oo sidoo kale ay qeyb ka ahayd dowro diini ah oo la siinayay odayaasha dhaqanka.
Qodobada sida aadka ah loo lafa guray ayaa waxaa kamid ah: – ka hor tagga duullaanka shisheeyaha iyo dowrka beesha, wax barashada dhallinta beesha ee ku dhaqan magaalooyinka qaar iyo baadiyaha iyo ballamo gaar ah iyo kuwa guud ahaaeed.
Muddada sadaxda cisho ah ee ay dowradu socotay waxay odayaasha dhaqanka ee beeshu ay xambaareen ugu yaraan toban mowduuc oo ay dad culimo ah akhrinayeen.
Munaasabaddii gunaanadka ahayd ee maanta la qabtay ayaa waxaa ugu dambeyntii kalimad ka jeediyay waaliga gobolka Sheekh Muxamad Abuu Usaama, isagoo wax garadka beesha u sheegay iney ka maamul ahaan gacan ka geysanayaan sidii beeshu u qaadan lahayd dowrkeeda ku aadan ka hor tagga shisheeyaha iyo sidii ubadka beeshu u heli lahaayeen wax barasho lacag la’aan ah.
Isku soo wada duuboo, markii ay soo idlaatay munaasabadda ayaa waxaa inoo suura gashay inaan wareysano, ugaaska beesha “Tunni” iyo qaar kamid ah nabadoonadii matalayay jilibyada beesha, kuwaasoo dhankooda muujiyay dareen farxad leh islamarkaana ballan qaaday iney kasoo dhalaalayaan ballamihii ay qaadeen iyo mas’uuliyadda guud ee uu Allaah saaray intaba.
Halkan Ka Degso Kalimadda Waaliga Sh/hoose Sh/Abuu Usaama
Halkan Ka Degso Hadalada Salaadiinta Beesha Shan Gamaas “Tunni”