HomeAll newsMadaxweynayaasha Maraykanka iyo Ruushka oo kulan yeeshey, iskuna raacay ka hortaga waxay...

Madaxweynayaasha Maraykanka iyo Ruushka oo kulan yeeshey, iskuna raacay ka hortaga waxay ugu yeereen “Argagaxisada”.

Magaalada Helsinki ee caasimadda wadanka Finland waxaa ka dhacay kulan saacado qaatay oo dhexmaray madaxweynayaasha wadamada Maraykanka iyo Ruushka Faladamir Butin iyo Donald Trump.

Kulanka labada madaxweyne ayaa qaatay 4 saacadood oo xiriir ah, waxayna ka wada hadleen arimo badan iyo masaalix wadajir ah oo ay leeyihiin labada dowladood.

Madaxweynaha Ruushka Faladamir Butin ayaa si cad u sheegay inuu aad ugu rajo weynaa in Donald Trump uu kusoo baxo doorashadii madaxtinimo ee sanadkii 201-ka, balse wuxuu meesha ka saaray in marnaba ay dowladda Ruushka faragelin ku sameysay doorashooyinkii Maraykanka.

Butin wuxuu sheegay inay diyaar u yihiin in baariyaal katirsan Maraykanka loo ogolaado iney su’aalo waydiiyaan rag Ruushka kasoo jeeda oo looga shakisanyahay iney wax maleegeen isdaba marin iyo jahwareerin lagu sameeyay doorashooyinkii Maraykanka.

Donald Trump  ayaa dhankiisa aad usoo dhaweeyey hadalka Butin, wuxuuna ballanqaadkaas ku tilmaamay inuu yahay mid wanaagsan.

Labada madaxweyne waxay dhanka kale si wadajir ah u sheegeen iney hortaaganyihiin caqabado badan oo ay kamid tahay waxay ugu yeereen argagaxisada oo ay ula jeedaan Muslimiinta, waxayna isku ballansadeen in si wadajir ah looga hortago.

Siyaasiyiin Ameerikaan ah ayaa aad uga carooday kulanka dhexmaray Butin iyo Donald Trump, waxayna hoosta ka xariiqeen iney jiraan waxyaabo sir ah oo ku saabsan Trump oo ay heyso dowladda Ruushka.

Donald Trump  ayaa aad isugu dhul dhigayay Faladamir Butin, waana mida caragelisay siyaasiyiinta Maraykanka, keentayan iney shakiyaan.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular