Qabiilka Geeladle oo kamid ah beesha Raxanweyn, ayaa Khamiistii lasoo dhaafay munaasabad ka dhacday degaanka Madiinatul-kheyr, ku doortay Ugaas guud, taasoo ka dhigan iney hadda wixii ka dambeeya leeyihiin hogaan dhaqan oo ay ku mideysan yihiin meel walboo ay joogaan.
Xafladda caleema saarka oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, dhaqanka Soomaaliyeed iyo marti sharaf kale oo ka kooban qeybaha bulshada.
Ugaaska cusub ee la doortay oo lagu magacaabo Ugaas Raage Macallim Barre Macallim Axmed, ayaa madasha ka sheegay in uu qabiilkiisa ku hogaamin doono ku dhaqanka Kitaabka Allaah, sidoo kalana uu garab istaagi doono halganka lagula jiro shisheeyaha dalka kusoo duulay.
Dhammaan mas’uuliyiintii iyo martidii kale ee ka hadashay munaasabadda ayaa waxay ahaayeen kuwa ka siman farxada ku wajahan in beeshani yeelatay hal hogaan.
Sh/Cabdullaahi Macallim Geedow, oo ah waaliga wilaayada islaamiga ah ee Bay iyo Bakool, ayaa dhankiisa bogaadin kadib, dardaaranno muhim ah u jeediyay qabiilka Geeladle iyo Ugaaskaba, isagoo kula taliyay isku duubnida, kala dambeynta iyo sidii Xabashida looga xoreyn lahaa magaalooyinka ay Beeshu degto ee koofurta Soomaaliya.
Munaasabaddan ayaa waxa kale oo ka hadlay gudoomiyaha golaha dhaqanka islaamiga ah ee Soomaaliyeed iyo Afhayeenka golahan, waxaana ay labadoodu si isku mid ah Ugaaska ugu dardaarmeen inuu noqdo Ugaas Soomaaliyeed, oo uu hamigiisu sarreeyo.
Intaasi kadibna Ugaas Ibraahim Aadan (Shaacirul-Islaam) oo ah gudoomiyaha guud ee golaha dhaqanka Soomaaliyeed, ayaa Ugaaska cusub ee beesha Geeladle, gudoonsiiyay Kitaab Qur’aan, qori cusub oo AK47 ah iyo furaha gaari qooqan ah oo ay iibiyeen qabiilka si uu Ugaasku ugu socdo.
Gabagabada munaasabadda ayaa waxaa lagu soo bandhigay suugaan iyo marti soor wanaagsan.Balse markii lagu kala dareeray madasha ayaa waxaa billowday dabaal deg dhaqameed iyadoo rag badan ay goobtii ka xambaareen Ugaaska, kuna soo wareejiyeen magaalada oo dhan.
Xabado loogu dabaal degayo doorashada iyo caleema saarkiisa ayaa si aad ah loo maqlayay, wajiyada dadkana waxaa ka muuqday farxad aan lasoo koobi karin.
Hoos ka daawo sawirada codadkana dhuuxa ayaannu idinkugu soo gudbin doonaa inshaa allaah.