HomeAll newsTobaneeyo Askari Oo lagu dilay Weerarkii Nawaaxiga Madaxtooyada iyo Qaar kamid ah...

Tobaneeyo Askari Oo lagu dilay Weerarkii Nawaaxiga Madaxtooyada iyo Qaar kamid ah Raggii Weerarka fuliyay oo Soo laabtay.

Ciidamo katirsan dowladda federaalka gaar ahaan kuwa Sirdoonka ayaa ku le’day howlgalkii maalintii shalay ay ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay ku qaadeen nawaaxiga Madaxtooyada Villa-Soomalia.

Weerarka oo lagu daah furay qaraxyo waaweyn, islamarkaana rag katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay dagaal fool ka fool ah la galeen ciidamada dowladda ee ilaalinayay madaxtooyada iyo xarumaha muhiimka ah ayaa khasaare adag lagu gaarsiiyay ciidamada dowladda.

Ugu yaraan 12 askari oo katirsan ciidamada dowladda ayaa howlgalkan gaarka ah ee ka dhacay nawaaxiga madaxtooyada lagu dilay, waxaana suuragal ah in khasaaruhu intaas ka bato.

Xarakada Mujaahidiinta  Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda weerarka ayaa shaacisay in qaar kamid ah raggii howlgalka fuliyay iyagoo bad qaba ay dib ugu soo laabteen goobihii ay ka duulaan tageen.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular