HomeAll newsCiidamo Taabacsan Maraykanka Oo howlgal dhimasho iyo Afduub sababay ka fuliyay Nawaxaxiga...

Ciidamo Taabacsan Maraykanka Oo howlgal dhimasho iyo Afduub sababay ka fuliyay Nawaxaxiga Walla-weyn.

Saldhiga Garoonka Balidoogle.

Saqdii dhexe ee xalay ayaa ciidamada Bankaraft ee hoostaga kuwa Maraykanka ee duulaanka ku jooga Soomaaliya waxay howlgal khasaare dhaliyay ka fuliyeen gobolka Shabeellaha hoose.

Malleeshiyaadka Bankrafta ayaa weeraray deegan dhaca duleedka Walla-weyn oo kamid ah degmooyinka gobolka Shabeellaha hoose, waxaana halkaas ay ku dileen qof beeralay ah.

Ciidamada Soomaalida ee ka amarqaata Maraykanka waxay sidoo kale halkaas ka kaxeysteen ugu yaraan 3 ruux oo shacab ah, kuwaas oo loo badinayo iney la aadeen saldhiga garoonka Balidoogle.

Gobolka Shabeellaha hoose ayaa marar badan oo hore waxaa ka dhacay weeraro iyo howlgallo ay si wadajir ah u fulinayaan ciidamada Maraykanka iyo kuwa Soomaalida ee ku safka ah, waxaana howlgalladaas ku dhintay tobanaan ruux, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaas kabadan, waxaana jira dad nool nool oo weli ay gacanta ku hayaan ciidamada Maraykanka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular