HomeAll newsSaraakiil iyo Askar katirsan Xuuthiyiinta Oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday weerar...

Saraakiil iyo Askar katirsan Xuuthiyiinta Oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday weerar ka dhacay Yaman.

Wararka ka imaanaya wadanka Yaman ayaa sheegaya in howlgal ka dhacay dalkaas ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen askar iyo saraakiil katirsan malleeshiyaadka shiicada Xuuthiyiinta.

Dagaalyahanno katirsan mujaahidiinta Ansaaru-Shareeca ayaa weerar qorsheysan waxay ku qaadeen fariisin militeri oo ay ku sugnaayen malleeshiyaadka Xuuthiyinta, waxaana la gaarsiiyay khasaare kala duwan.

Weerarka ayaa ka dhacay deegaan lagu magacaabo  Dhayaab oo katirsan gobolka Al-beydaa ee bartamaha Yaman, waxaana ku dhintay 4 xuuthiyiin ah oo uu ku jiro sarkaal lagu magacaabo Sadaam Xuseen Ashram.

Waxaa sidoo kale howlgalka ay Mujaahidiintu qaadeen ku dhaawacmey sarkaal katirsan Xuuthiyiinta oo lagu magacaabo Abuu haashim Ar-riyaami.

Maalmihii tagay waxaa dalka Yaman, gaar ahaan gobolka Al-beydaa ee dhaca bartamaha wadankaas ka dhacayay howlgallo iyo dagaallo ka dhan ah malleeshiyaadka Xuuthiyiinta, kuwaas oo khasaare adag lagu gaarsiiyay.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular