HomeAll newsHogaanka Sare ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab Oo ka hadlay Dekadihii Itoobiya Lagu...

Hogaanka Sare ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab Oo ka hadlay Dekadihii Itoobiya Lagu Wareejiyay.(Kalimad Muhiim ah)

Markii ugu horeysay hogaanka sare ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa war kasoo saaray heshiiskii dhexmaray dowladda federaalka iyo Itoobiya, kaas oo dekado gaaraya illaa iyo afar dekadood loogu wareejiyay maamulka Xabashida.

Kalimad maqal ah oo ay baahiyeen Idaacadaha islaamiga ah, islamarkaana uu jeedinayo Sheekh Mahad Warsame Abuu Cabdi-raxmaan oo kamid ah hogaanka Mujaahidiinta ayuu kaga hadlay dekadaha lagu wareejiyay Xabashida iyo mowqifkooda ku aadan tallaabadaas.

Ugu horeyn wuxuu Sheekh Mahad wuxuu ka hadlay halganka taariikhda dheer leh ee mandiqadan geeska  Africa ku dhexmaray umadda soomaaliyeed ee muslimka ah iyo Xabashida, isagoona sheegay in mar weliba Jihaadka ka socoda geeska Africa uu qeyb weyn ka hayay halganka caalamiga ah.

“Jihaadkii Awoowyaasheena la galeen Xabashida Itoobiya, oo marna gaalada lagu jabinaayay, marna muslimiinta lagu riixaayay ee khalqiga aan yarayn ee Muslimiin ah ay ku shahiideen oo uu ku jiro Hogaamiyihii Muslimiinta Axmad Gureey, Malaayiin gaalo ahna lagu laayay, waxaas oo halgan ah waxa loosoo galay waxay aheyd in Diinta Islaamka iyo Dadka Muslimiinta ah lagu difaaco, Damaca gurracan ee Gaalada xabashidana la iskaga caabiyo” ayuu yiri Sheekh Mahad Warsame Abuu Cabdi-raxmaan.

Sheekh Mahad Warsame wuxuu kalimadiisan oo la dhageysan karo 12 daqiiqo kaga hadlay in Xabashidu ay weligood ku haminayeen iney la wareegaan Soomaaliya, isagoona Umadda soomaaliyeed dib u xusuusiyay dhacdooyin taariikhi ah oo dhacay markii Itoobiya la wareegtay magaalada Muqdisho dhamaadkii sanadkii 2006-da.

“Xabashidu marnaba maankeeda kama boxo in ay inta ka dhiman dhulalkii Muslimiinta gacanta ku dhigto, xoog ama xeelad middii ay doonto haku qabsato, Imaaradii ugu dambeysey ee Muqdisho ku taallay waa tii qabsatay dabayaaqadii 2006-dii iyadoo ay horboodayaan canaasiir Murtadiin ah oo dadkoodii iyo dalkiiba gatay, berigaas xabashidu waa lawada xusuustaa, iyagoo lugaynaya ayay badda Xeebta Muqdisho istaageen, qoryihii ayay foodda biyaha badda u geliyeen, iyagoo aaminay in ay wax Soomaali la yiraahdo u dhammaatay mar haddii ay Muqdisho qori caaradii ku qabsadeen… balse Laba sano oo Jihaad aanan waxba la iskula harin, culeeska ugu badana ay Reer Muqdisho dhabarka u dhigteen Alle haka abaal mariyee, Rag badan oo Mujaahidiin ahna ay naftoodii u hureen, haldoor badano Umaddu lahaydna Alle ku oofsaday,  Jihaadkaas kadib Ilaahay wuxuu qadaray in Itoobiya in ay Soomaaliya oo dhan lug uga baxdo, damaceedii guracnaana uu beenoobay” ayuu yiri Sheekh Mahad Warsame.

Sheekh Mahad Warsame ayaa soo hadalqaaday madaxweynaha dowladda federaalka Farmaajo, kaas oo uu ku tilmaamay inuu yahay muwaadin Ameericaan ah, islamarkaana xubin ka ah xisbiga Jamhuuriga ee Donald Trump, isagoona sheekha dhanka kale farriin u diray shacabka Soomaaliyeed.

“Farmaajo,oo ah nin Maraykan ah, kana tirsan xisbiga Trump ee Jamhuuriga la yiraahdo, wuxuu dadka Soomaaliyeed ku beer-laxawsaday inuu yahay wadani Soomaali ah, balse markii uu kursiga ku fariistay wixii ugu horeeyay ee uu qabtay waxay ahayd inuu xabashida u gacangeliyo qof walba oo Soomaali ah oo ay ka dalbadaan, Maantana wuxuu saxiixay in dekedaha dalka ay Xabashidu la wareegto. Dhulka, cirka iyo badda Soomaaliyeed Murtadiintu waa iibsanayaan, markii xilligoodu dhammaadana wadamadii ay kayimaadeen ee ay baasabooradooda haysteen ayay dib ugu laabanayaan, waxa mustaqbalkooda lagu ciyaarayo waa ubadaka Muslimka ah ee Soomaaliya ku nool, dadkana waxaa la gudboon intay goori goor tahay in la baraarugo, oo dhulka inta xorta ahna aan ku mintidno, inta cadawgu naga haystana aan sidii loosoo ceshan lahaa falankeeda galno”.

Ugu dambeyn Sheekh Mahad Warsame ayaa sheegay in Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab aaney marnaba ogolaan doonin in taako kamid ah dhulka Soomaaliyeed loo gacan geliyo Xabashida, ay difaaci doonaan diinta iyo dalka Soomaaliyeed.

Halkan ka dhagayso Kalimad uu Jeedinayo Sheekh Mahad Warsame oo uu kaga hadlay Dekadihii Lagu wareejiyay Itoobiya.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular