HomeAll newsGudoomiyihii hore ee Qoryoolay Oo Qarax Lagu dilay.

Gudoomiyihii hore ee Qoryoolay Oo Qarax Lagu dilay.

Barqanimadii maanta ayaa qarax xoogan waxa uu ka dhacay degmada Baraawe oo kamid ah gobolka Shabeellaha hoose, halkaas oo ay ku suganyihiin ciidamo katirsan Shisheeyaha.

Qaraxa ayaa lala eegtay gudoomiyihii hore ee degmada Qoryoolay ee maamulka Koonfur-galbeed Sheekh Cali Buraale, hadana watay qandaraaska dhisida garoon diyaaradeed oo laga furo magaalada Baraawe.

Buraaale ayaa goobta ku geeriyooday, waxaana la dhintay askari kale oo kamid ahaa ilaaladiisa gaarka ah.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxan lagu dilay gudoomiyihii hore ee Qoryoolay Sheekh Cali buraale, waxaana ninkan uu kamid ahaa dadka sida aadka ugu dhow Shariif Xasan Sheekh Aadan gudoomiyaha maamulka Koonfur-galbeed.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular