Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya wararka ka imaanaya waxay sheegayaan in ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay weerar culus ku qaadeen xarunta wasaaradaha Amniga iyo arimaha Gudaha oo ku taalla nawaaxiga xarunta Baarlamaanka ee Isgoyska Sayidka.
Weerarka waxaa lagu daah furay qaraxyo waaweyn oo si aad ah looga maqlay degmooyinka magaalada Muqdisho, waxaana markaas kadib gudaha xarunta labada wasaaradood oo hal meel degnaa u daatay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Rasaas culus ayaa laga maqlayaa nawaaxiga goobta ay Mujaahidiintu gudaha u galeen, waxaana goobta gaaray ciidamo katirsan dowladda iyo kuwa Shisheeyaha oo isku dayaya iney gudaha u galaan xarunta ay Mujaahidiintu weerarka ku qaadeen.
Qiiq madow iyo Uuro ayaa laga arkayaa hawada magaalada Muqdisho, waxaana weli cadeyn khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkan weli socoda.
Wixii sii kordha dhageystayaasheena waan usoo gudbin doonnaa inshaa’Allaah.